
Ardaygu waxa uu xaq u leeyahay inuu samayen kari imtixaan si uu u helo shahaado ama
dhibco dugsiga hoose ah ama koorasyada dugsiga sare. Aqoonta luqada oo wanaagsanaata waxay ardayga ka caawinaysaa inuu heli karo dhibcihii looga baahnaa gelitaanka dugsiga sare. Akhri..



Maamulaha xarunta barashada luqadaha ee Stockholm (språkcentrum) ayaa dhowaan booqday magaalada Dubai ee dalka Imaraadka carabta. Joakim Götz waxa uu halkaa kaga qeyb galay kulan waxbarasho oo halkaa ka dhacay. Shirka waxa lagaga hadlayey sidii loo soo saari lahaa jiil hanan kara oo hogaamin kara mustaqbalka. waxa ka soo qeyb galay aqoon yahano kala duwan oo halkaa ka hadlay. Akhri waxa uu ka yidhi safarkiisii.
Dugsiga xannanada iyo barbaarinta carruurta waxa loogu talo galay ilmahaaga.
Kulan lagaga hadlayey afka hooyo kana qeyb galeen waalidiin soomaaliyeed ayaa ka dhacay Guriga ummada ee ee xaafada Rinkeby. Waxaa waraysiyo ka diyaariyey Radio Sweden qeybtiisa af-soomaaliga.